XOG: Mukhtaar Roobow oo helay Fursad uu kaga dhex muuqan karo DF laguna aamino karo

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,CONTACT US,ENGLISH NEWS,MAQAALO,Uncategorized,WARARKA MAANTA |

Iyadoo cirka ay isku sii shareerayaan khilaafka soo kala dhex galay Saraakiisha ugu sareysa Ururka Al-Shabaab ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu soo xera geliyo Saraakiil Shabaab dhexdooda caan ka ah oo shacabka Soomaaliyeedna si weyn u garanayaan.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo oo khadka Taleefanka kula hadlay Wasiirkii hore ee Gaashaanka C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa xaqiiyay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo magacyadooda la shaacin ay la soo xiriireen Mukhtaar Roobow oo wada hadal kula jira kuwaasoo doonaya iney isa soo dhiibaan.

Khilaafka ayaa hadda wuxuu u dhaxeeya Hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay oo Labadoodaba ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Sheikh Mukhtaar Roobow ayaa la sheegayaa inuu wado xal ah In Saraakiisha shabaab qaarkood u soo gacan geliyo Dowadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab uu baxsad yahay,islamarkaana ay dil toogasho ah ay ku xukumeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *