Golaha Aqalka Sare oo maanta ka shiraya Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan Ku yeeelanaya Xarunta ay Ku shiraan ee magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanadu ka doodi doonan Misaaniyadda Dowladda ee 2018 sida Fariinta Aqalka Sare lagu Xusay Xildhibaanada Qaarkoodna ay noo sheegaan.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ka kooban 274 malyan islamarkaana ka badan tii sanadkaan Sii dhamaanayo 2017 ayaa 13 Bishaan December Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya meelmariyeen.
Balse Xildhibaanada aqalka Sare ayaa ka dooditaankooda ka dib laga sugayaa in ay ansixiyaan ama ay wax ka badal ku sameeyaan, Waxaana Xusid mudan in miisaaniyaddu intii ay hortaalay Xillibaanada Golaha shacabka Muran badan uu ka dhashay waxyaabaha waqtigaasi dooda badan dhaliyay waxaa ka mid ahaa lacag horay loo isticmaalay oo aan miisaaniyaddi hore Ku jirin iyo 14 malyan ee Miisaaniyadaan lagu kordhiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *