Kenya Oo Wadahadal Ku Adkeysaneysa Muranka Badda, Akhriso Sooyaalka Murankaasi

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,CONTACT US,ENGLISH NEWS,MAQAALO,Uncategorized,WARARKA MAANTA |

Dowladda Kenya ayaa todobaadkan ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda, iyada oo qoraal u dirtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands.

Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014. Kiiskan, Soomaaliya waxaa ay rabtaa in xadka noqdo “equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado halka Kenya ay rabto (along a parallel of latitude)  ama khad balac ah taas oo leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay  1979 iyo mar kale 2005.

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda  iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas.

” Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”Sidaasi waxaa yiri xeer-ilaaliyaha Kenya Githu Muigai.

Soomaaliya ayaa dooneysa  xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Hadaba, Akhriso Saldhigga Muranka:

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. .

Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka.

Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaalida gar-qaad weydiistaan Maxkamadda cadliga adduunka, haddii kiiskan aanu ku guuleysanno, waxaa ay taasi horseedi doontaa in aan mar kale isla maxkamadaas aadno si aan uga  furno kiisaska muranka dhulka ee nagala dhaxeeyay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya.

Sooyaalka Muranka Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya:

April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.

1988: Waxaa la soo saaray  sharciga badda ee Soomaaliya.

1989: Labada Dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 .

April 7, 2009: Dalalka Kenya  iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday,

October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *