Kadib weerar ay ku qaadeen Ciidamada Kenya Dugsi ku yaalla Magaalada

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,CONTACT US,ENGLISH NEWS,MAQAALO,Uncategorized,WARARKA MAANTA |

Kadib weerar ay ku qaadeen Ciidamada Kenya Dugsi ku yaalla Magaalada Mombasa ee Dalkaasi ayaa waxa ay Xabsiga u taxaabeen 2 Macallin iyo 100 Arday oo Dugsigaasi wax ka baranayay, kuwaasi oo lagu eedeeyay Argagaxisanimo,

Waxaana saraakiisha Boolisku ay sheegeen in muddo dheer ay indho indheynayeen waxa lagu qabto Dugsigaasi, islamarkaana ay ogaadeen in Ardayda halkaasi lagu baro falal marin habaabin ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in xilliga ay Ciidamadu weerarka ku soo qaadayeen Dugsigaasi ay Caruurta Hurdayeen, islamarkaana ay halkaasi ka kaxeysteen, iyagoo aan wax Su’aal ah weydiin.

Waa markii ugu horreysay ee Ciidamada Kenya tiro intaasi la’eg oo ay la xariirinayaan Xagjirnimo ay xabsiga u taxaabaan,tan iyo markii Al Shabaab ay bilaabeen weerarada ay ka fuliyaan Dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *